Shirka Hiigsiga oo Ka Furmayo Maanta Dalka Turkiga

Shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya oo lagu wado in uu maanta ka furo Magaalada Istanbuul Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa si wadajir ah waxaa u shir guddoomin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ku- Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Jan Eliasson.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 200 oo ergo oo ka socda in ka badan 50 dal, hay’adaha caalamiga iyo sidoo kale Qaramada Midoobay.

Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa qiimeyn iyo dib u eegis loogu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Cahdiga Cusub ee Soomaaliya, kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013.

Waxaa sidoo kale Shirkaasi la filayaa lagu taageero go’aankii Dowladda Soomaaliya eek u aadan nuuca doorasho ee Dalka ka dhici karta Sanaddkan 2016-ka.

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xasan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Dadka ku dhagan aratgi ku aadan in qaab Degaan wax lagu soo xulo ay yihiin kuwa wata danno gaar ah, waxuuna xusay in Dadkaasi Degaanda ay maamulaan wax lagu qabaasaday 4.5.

Dhinaca kale, Aqoonyahan Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxuu hoosta ka xariiqay in Madax Maamul Goboleed laga qeyb geliyo Shir heer qaran ah oo looga hadlayo masiirka Soomaaliya, isagoona ku tilmaamay Madaxda Maamul Goboleedyada in ay yihiin Guddoomiyeyaal Gobol.

Ugu dambeyn, Shirkan Madasha ee ka furmaya Magaalada Istanbuul ayaa lagu wadaa in lagu faaqido dib u qaabeynta amniga, dardar-gelinta dadaalka dib u eegista iyo dib u qorista dastuurka federaalka, isla markaana wax laga qabto baahiyaha aasaaska u ah dhinaca horumarinta si loo xaqiijiyo mustaqbalka nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.