Sarakiisha Kenya oo Ka Hadlay Werarkii Gaarisa

Saraakiisha Amaanka ee Dowladda Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay rasaas iyo Qaraxyo xoogan Xalay laga maqlay Nawaaxiga Saldhig ay Ciidamada Militariga ee Dalka Kenya ay ku leeyihiin Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.
Saraakiishan ayaa sheegay Xaalada Magaalada Gaarisa ay tahay mid deggan, islamarkaana ay wadaan howlgallo baaritaan ah oo lala xirii tacshiiradii Xalay ka dhacday Magaaldaasi.
Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hub Culus, waxaana intaasi ay ku dareen suurti galnimada in Kooxo hubeysan ay weerareen Saldhiga Ciidamada Kenya ee Magaalada Gaarisa.
Boqalaal Askari ayaa Saaka lagu arkayaa Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Gaarisa kuwaasi oo qaarkood wada howlgallo baaritaano ah kadib markii halkaasi Xalay laga maqlay Rasaasi iyo Qaraxyo Xoogn.
Weeraro u badan Qaraxyo ayaa inta badan qeybo ka mid ah Magaalada Gaarisa waxaa lagula eegtaa Ciidamada Dowladda Kenya, iyadoona xusid mudan in Weeraradaasi mas’uuliyadooda ay dhabarka u ritaan Xarakada Al Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.