Xukumada Somaaliya oo Ka Hadashay Xayiradii Reysal Wasare CCC.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay talaabadii habeen ka hor Ciidamada amaanka ee Dowlada Kenya ay ugu xayireen Wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Bayaankan ayaa lagu xusay in wax laga xumaado ay tahay xayiraada lagu sameeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la socday Ra’iisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale qoraalkaasi lagu xaqiijiyay in aan la xayirin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiiradii la socday, balse Garoonka Jomo Kenyatta lagu xanibay Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, taasina ay keentay dib u dhaca ku yimid Safar uu Ra’iisul Wasaaraha ku tagi lahaa Dalka Turkiga.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu tilmaamay in heshiis dhex yaala Dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya uu qeexayo in Diyaarad ay saaran yihiin Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan soo mareynin baaritaanka Wajeer balse ay toos u caga dhiganayaan Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Qoraalka ayaa ugu dambeyn lagu soo gunaanuday in Xukuumadda Soomaaliya ay ka fiirsan doonto wax walba looga jawaabayo talaabadii ay Ciidamada amaanka ee Dowladda Kenya ay ku xayireen Wafdiga
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.



Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.