TOP News: Wafdi caalami ah oo Maanta Kismaayo ku wajahan Xilli uu halkaasi Axmed Madoobe Maanta ka dhoofayo.

Wararka ka immaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose ayaa sheegaya in magaalada ay maanta tagi doonaan wafuud caalami ah oo ka socda Qaramada Midoobay, Kenya iyo dowladda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa markii ay tagaan magaalada la sheegay in ay la kulmi doonaan madaxda maamulka Jubbaland sidda ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jubba iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u ambabixi doona dalka Turkiga halkaasoo uu ka furmi doono shirka hiigsiga Soomaaliya ee sannadkan 2016-ka.

Shalay ayey aheyd markii Axmed Madoobe shir uu ugu magacdaraydib u heshiisiinta beesha Sade uu ka furay Magaalada Kismaayo,inkastoo markii dambe ay soo baxeen ujeedooyinka Rasmiga ah ee uu kala haa furitaanka shirkaasi in ay tahay in uu Turkiga latago in Jubaland ay ka socoto dib u heshiisiin si dhaqaalaha laga xanibay loogu soo fasaxo.

1 Comment

  1. A.c.waan ubaahanahay waxwar wanaagsan noosheega shabakadaana waansoo dhawaynayaa waxaadse ogaataan kalsoonida waxaykuxirantahay sidaad runta iyo dhexdhexaadnimadiin umaaraysaan iyo unaadkafogaataan wixi caadifad kusaabsan.waanan bilaabay inaan furo oo akhriyo gedotimes.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.