XOG: Khilaaf cusub oo ka dhex tafan Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo RW Sharmaake “Sabab”???

Wararka laga helaayo Villa Somalia, ayaa sheegaya in Khilaaf cusub uu iminka ka dhex curtay Madxaweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid.

Khilaafka ayaa waxa uu ka dhashay qaabka loo magacaabaayo Safiirada cusub ee Somalia u matali doona dalalka saaxiibada la ah iyo Safiirada xilka laga qaadi doono kuwa ay yihiin.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Golihiisa la hor imaaday liis dheer oo ay ku qoran yihiin ilaa 11 Safiiro oo u badnaan doona kuwo cusub iyo kuwo lagu bedeli doono qaar uu dusha ka calaameystay Sharmaarke.

Madaxweyne Xassan oo isagu doonaaya in rabitaankiisa lagu maamulo dalka ayaa waxa uu is hortaagay Liiska uu soo diyaarsaday Ra’isul wasaare Cumar, kadib markii uu Sharmaarke isku dayay in Safiiro iyo Qunsuliyado uu wato Xassan Sheekh hawada laga saaro laguna bedelo shaqsiyaad kale.

Madaxweyne Xassan oo Liiskaasi aan khuseyn rabitaankiisa ayaa habeenimadii xalay kala diray Golaha Wasiirada isaga oo kala diristooda u sababeeyay Liiska uu wato Sharmaarke.

Xassan Sheekh oo ay ku fog tahay Diktaatooriyada ayaa la wareegay Liiskaasi uu soo diyaariyay Ra’isul wasaare Sharmaarke, waxaana lagu wadaa in Xassan Sheekh uu waxbadan ka bedelo isaga oo kusoo biirin doona xubno cusub.

Madaxweyne Xassan ayaa doonaaya in ka hor inta uusan qaban doorashada uu Safaaradaha ugu muhiimsan u gacan galiyo Saaxiibadiisa.

Lama oga sida uu Xassan Sheeg wax yeeli doono waxa uuna ficil tanka Xassan fajac iyo amakak galshay Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.