Degdeg: Dibadbaxyo waa weyn oo Iminka ka soconaya Magaalada Muqdisho,

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaa xilligaan ka soconaayo Banaanbax ballaaran oo ay dhigayaan Bulshada caasimada ku nool, kuwaasi oo dalbanaya in la cadeeymo Maqaamka Caasimada.

Dad badan oo sita Boorar kala duwan ayaa isugu soo baxay Wadada Dheer ee Maka Al-Mukarama, waxaana Banaanbaxayaasha ay isugu tageen KM4, Isgoyska Sayidka, sidoo kale dad kale ayaa Banaanbax ku dhigay halka loo yaqaan Afarta Tarjiin.

Dadkaan ayaa waxa ay ku qeylo dhaaminayaan Dowladda inay cadeyso maqaamka Gobolka Banaadir uu leeyahay, xilli shalay Madaxweynaha Somaliya uu arintaan ka hadlay.

Eryada dadka ay ku dhawaaqayaan ayaa waxaa ka mid ah “Waa in la helaa xuquuqda Muqdisho” iyo kuwa kale oo aad u badan.

Isu soo baxa oo ah mid nabdoon ayaa waxa ay dadka soo abaabulay ay codsanayaan in la caddeeyo xuquuqda ay caasimadda ay leedahay, iyadoo la mid ah kuwa kale ee ku nool Gobollada dalka.

Madaxweynaha, Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka hadlay Arinta Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in maqaam gaar ah ay yeelaneyso Magaalada Muqdisho, walow sida uu sheegay aan weli la diyaarin maqaamkaasi.

“Maqaam gaar ah ayay yeelanaysaa, inkasta oo aan weli diyaarsanayn maqaamka, dowlad goboleedyada qaar dadka ku nool, waxaa ka tiro badan kuwa Caasimadda ku nool, in xuquuqdooda la duudsiiyo xaq ma ahan, waxaa socoto qorshe ah in la sameeyo gole deegaan, bulshadana ay isu abaabusho sidii ay isu dooran lahaayeen.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.