XOG: Sababta Rai’sal Wasaare Sharmaake loogu xanibay Jomo Kenyatta oo la Ogaaday.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ee muddo saacado ah lagu xanibay Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta Magaalada Nairobi, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnihii la socday qaarkood la sii daayay.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Ammaanka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi, ayaa Wargeyska The Standard u sheegay sababta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Somaliya loo hakiyay inay tahay arimo ku aadan dhanka ammaanka.

Waxa uu sheegay Sarkaalkaan Diyaaradii waday xubnaha Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha inaan lagu baarin Garoonka Diyaaradaha Degmada Wajer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Wajeer waxaa lagu baaraa dhamaan Diyaaradaha ka taga Muqdisho ee Nairobi u socda.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo ka kooban 20 xubnood oo ay ku jireen saddex Wasiir, ayaa markii dambe Afar Saacadood kadib loo inay galaan Magaalada gudaheeda.

Ilaa hada Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi, waxaa ku xaniban Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo xitaa ay ka maqan yihiin Baasabooradii ay wateen.

Dowladda Kenya ayaa si xun wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ugu bahdishay Garoonka Diyaaradaha Kenya, iyadoo taasi muujinaysa in Kenya xitaa aysan aamineyn Madaxda dalka Somaliya.

Wixii ka dambeeyay Qaraxii Diyaaradda Daallo oo Shabaab ay sheegteen Masuuliyadooda, Diyaaradaha ka baxa Garoonka Muqdisho waxaa laga muujinayaa shaki ku aadan ammaanka Diyaaradahaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.