Al- shabab oo Benisay in Sarkaal Loga Dilay G, Gedo

Xarakada Al Shabaab ayaa beenisay qoraal ka soo baxay maalin ka hor Dowladda Kenya oo lagu sheegay in Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay beegsadeen Hogaamiye Al Shabaab u qaabilsan sameynta Qaraxyada oo lagu magacaabo Macalin Shariif.

Bayaan ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu xusay in Shaqsi lagu magacaabo Macalin Shariif uusan ka mid aheyn dhaq dhaqaaqa Al Shabaab, waxaana sidoo kale qoraalkaasi lagu qeexay in aanu jirin Duqeyn ka dhacay Gobolka Gedo.

Warsaxaafadeed markale maalin ka hor ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in Hogaamiye Macalin Shariif iyo 20 kale oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab ay ku Dileen Weerar Ciidamadooda ay ka fuliyeen Xero tababar oo ku taala Gobolka Gedo ee Galbeedka Dalka Soomaaliya.

Waa markii labaad oo Xarakada Al Shabaab ay been ku tilmaameyso qoraalo is-dabajoog ah oo ka soo baxay Dowladda Kenya kuwaasi oo lagu shaaciyay in lagu Dilay Hogaamiyeyaal iyo Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.