Madaxweynaha oo hambalyo u diray hoggaamiyaha dib loo doortey ee Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Kaguta Museveni oo mar kale loo doortey xilka madaxtinimada dalkiisa.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kugu hambalyeeyo doorashada mar kale ay shacabkaaga ku doorteen. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato hawsha adag ee ku hortaalla ee aad dalkaaga ugu dhaqaajineyso xoojinta nabadda, midnimada iyo Barwaaqada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Dhinca kale, Afhayeenka Dowladda Uganda ayaa sheegay in guusha Madaxweyne Museveni ay ka dhigantahay sii socoshada taageerida Dowladda Uganda ay u heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Uganda ayaa Ciidamada uga badan ee Nabad Ilaalada Midowga Afrika ee AMISOM waxey ka joogaan Dalka Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan soo celinta Nabadii iyo Xasiloonidii Dalka ka jirtay.
Ugu damneyn. Dowladda Uganda ayaa balan qaaday in ay sii wadeyso taageerida Dowlada Soomaaliya waxaana ay sheegeen in Ciidamadooda ay baaqi ku sii ahaan doonaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kaasi oo ka socda Dalka Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.