Dhageyso: Barlamaanka oo Dalbaday inaysan Shaqo Kale Qabaneyn Ilaa Wasiiro La horkeno ay Dalabden

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta mar kale filayay in ay  horyimaadaan  Wasiirka Amniga Gudaha , Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka ,   Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si su’aalo ay uga weydiiyeen arrimaha la xiriira xasaanada xildhibanada  iyo ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa waxaanan kulanka ka soo qeyb galin masuuliyiintaasi.

Mudanayaasha ayaa waxaa loo qeybiyay sharciyo ay ka mid yihiin wax ka bedelka qodobka Tobanaad , sharciga Xuduudaha iyo Federaalka, warbixinta guddiyada , Guddiga Arrimaha Dibadda , guddiga Ganacsiga iyo dhaqaalaha iyo aqrinta Labaad ee sharciga Axsaabta siyaasadda.

Inta aan la guda galin ka doodista ajandayaashaas ayaa Xildhibaanada gabi ahaanba ay ka soo horjeesteen in arrimahaasi looga hadlo kulankoodii maanta iyagoo sheegay in maanta kulanka u jeedada ay u yimaadeen ay ahayd in ay su’aalo weydiiyaan masuuliyiintaasi.

Xildhibaan Saaqo Aadan Max’ed oo la hadashay Gedo Times. com  ayaa waxa ay sheegtay in inta laga horkeenayo Baarlamaanka Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo weliba Wasiirka arrimaha dibadda aysan ka hadli doonin ajando kasta oo la horkeeno Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Xildhibaan Khadiijo Max’ed Diiriye ayaa sidoo kale waxa ay tilmaamtay in shaqooyinka horyaalla Baarlamaanka Federaalka ay ka socon la’yihiin guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari islamarkaana uu qeyb ka yahay masuuliyiinta doorka ku leh in lagu xad gudbo xasaanada Xildhibaanada.

Dhinaciisa Mudane Max’ed Cabdullaahi Xasan Fadhiye ayaa isaguna waxa uu tibaaxay in guddoonka Baarlamaanka uu maalintii sabtida uu shaaciyay in Xildhibaanada  la horkeeni doono Wasiirada ay dalbanayaan si ay wax uga weydiiyaan arrimaha ay ka tabanayaan.

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta ayaa ku soo gaba gaboobay fashil kadib markii lagu soo kala dareeray iyadoo aan wax ajando ah looga doodin.

Halkaan Ka Dhageyso:




Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.