Dhageyso: Maamulka G, Banaadir Dhalin yaro ayaan ku Qabanay HowalgalkiI Socday

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay howlgallo Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyen xaafadaha degmooyinka Yaaqshid iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Mr Xalane ayaa xusay in illaa dhowr iyo 20 qof ay ku soo qab qabteen Howlgalladaas kuwaas oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.

Cabdifitax Cumar Xalane ayaa tibaaxay in dadka lagu soo qab qabtay Howlgallada ay baaritaanno ku hayaan islamarkaana la sii deyn doono ciddii aan wax dambi ah lahayn.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa ka dalbaday Shacabka Magaalada Muqdisho in laamaha ammaanka ay ku gacan siiyaan sugida nabad gelyada Caasimadda Muqdisho.

Howlgalladani ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay habeen iyo maalin Madaafiic laga soo tuurayay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho  lagu soo tuurayay dhinaca Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Halkaan Ka Dhgeyso:





Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.