XOG: Axmed Madobe oo Runta loo sheegay laguna amray in uu kismaayo dib ugu laabto si uu u furmo shir halakasi ka dhici doona.

Xilli dhawaan la filaayo in kismaayo uu ka furmo shir nabadeed oo lagu wado inu dhexmaro beelaha Sade iyo Absame, ayaa Xubno ka tirsan beesha Caalamka waxay bilaabeen dadaalo arinkaasi looga mira dhalinaayo.

Safiirada Qaramada Midoobay, itoobiya, Midowqga afrika iyo Uganda ayaa si toos ah ula xiriiray Hogaamiye Axmed Madoobe oo doonayay in uu Xagal daaciyo shirkii Nabadda ree Jubaland xilli uu ku suganyahay magaalada Abu dabi ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta, Waxayna fareen in uu si degdeg ah kismaayo ugu soo laabto si loosii ambaqaado shirkii nabadeynta ee uu qorshihiisa soo jiitamayay ilaa november sanadkii hore.

Axmed madoobe ayaa saaka dib ugu laabtay Nairobi iyadoo isla maanta lagu wado in uu magaalad kismaayo kaga sii gudbo.

Abaabul uu horay kismaayo uga sameeyey oo ahaa inuu iska horkeeno beesha sade ayaa sidoo kale la faray inuu faraha kala baxo, uuna qaato kaalintiisa beeleed ee kaga aadan shirka.

Soo dhaweyn ay u sameynayaan sarakiisha maamulkiisa ayaa iminka kismaayo ka socota, lamana oga waqtiga uu sida rasmiga ah u furman dono shirka waxaye siyaasiyiintii shirkaasi ka qeybgali laheyd ay inoo sheegeen in ay u xayiranyihiin Imaanshiyihiisa.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe Insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.