TOP: Duleedka Degmada Baardheere oo ay Kusoo dhacday Diyaarad Drone ah Iyo Alshabaab oo Gacanta ku dhigay.

Wararka ka immaanaya magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan cidna wadin ee Drons-ka ay maanta barqadii ku soo dhacday duleedka Baardheere.

Goobjoogayaal ayaa Gedo Times u sheegay diyaaradda ay ku dhacday deeganka Faxfax dhuun oo 60km u jira magaalada Baardheere.

Diyaaradda ayaa inta aysan soo dhicin la sheegay in dhowr jeer ay ku laablaabatay deeganka kaddibna ay soo dhacday.

Ma jirto wax khasaaro ah oo ay geesatay diyaaradda Drons-ka ee maanta ku soo dhacday gobalka Gedo, balse waxay wararka sheegayaan in markii ay diyaaradda soo dhacday ay u gacan gashay kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in Shabaabku ay ka furteen gantaalo ilaa lix ah oo ku xirnaa diyaaradda Dronska ee ku dhacday dulkeedka Baardheere.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay diyaaradda Dronska ee maanta ku dhacday gobalka Gedo.

Inta badan diyaaradaha dagaalka ee aan cidna wadin waxaa isticmaala dowladda Mareykanka, waxaana ay kula dagaallantaa kooxaha argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.