TOP News: Kenya oo soo Iibsatay gaadiid Casri ah oo ay ugu Talagashay La dagaalanka Alshabaab.” Sawirro”

Dowladda Kenya, ayaa waxay maanta soo bandhigtay gaadiid casri ah oo loogu talla-galay Ciidamada Qalabka Sida. Waxaana gaadiidkan loo adeegsadaa in lagu daabulo askarta iyo in lagu dagaal galo.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ka qaybgalay munaasabad lagu soo bandhigay gaadiidkaasi, ayaa waxaa la arkaayay isagoo fuulaaya mid ka mid ah gaadiidkaasi, isla-markaana saaran halka uu fuulo askariga gaandhariga ah.

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlaayay gaadiidkaasi, ayaa wuxuu ku sheegay kuwo loogu talla-galay in lagu suggo ammaanka, isagoona qaba inay kor u qaadi doonaan xoojinta amniga.

Madaxweynaha waxaa uu tilmaamay in gaadiidkan ay adeegsan doonaan Ciidanka Booliska Kenya oo qura, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaaya in loogu talla-galay Ciidanka Militariga Kenya ee ka hawlgala Somaliya.

Inkastoo aanay Kenya si rasmi ihi u cadayn dalka ay gaadiidkan ka soo iibsatay, ayaa waxaa hadana la dhihi karaa tani waxay ku soo beegmaysaa, xilli Kenya askar fara-badan looga laayay weerarkii 15-kii bishii January ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Xukuumadda Nairobi iyo Taliska Militariga, ayaan illaa iyo hadda shaacin tirada rasmiga ah ee askartooda looga dilay weerarka, ay Al Shabaab kula wareegtay xeradii ay ku lahaayeen Degmada Ceelcadde.

Al Shabaab oo ka hadashay tirada ay Ciidanka Kenya kaga dishay weerarkaasi, ayaa waxay ku sheegtay in ka badan 100 askari. Al Shabaab waxay kaloo sheegtay in 12 kalana ay gacanta ku dhigtay, iyagoo nool.

k2

k4

k5

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.