Baledweyne: Shir aayo katashi oo Maanta ka furmay iyo Ugaaska Hiiraan o oShir Gudoominaya.

jeesow

Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, maanta oo Tallaado ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Shir ku saabsan aayaha Gobolka Hiiraan, waxaana Shirkaan wada qaadanaya Odayaasha reer Hiiraan iyo Masuuliyiinta Dowladda ku jira ee Gobolkaasi ka soo jeeda.

Shalay Magaalada Baledweyne waxaa gaaray Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka, kuwaasi oo u tagay Magaalada ka qaybgalka Shirka saaka lagu wado inuu Magaalada ka furmo.

Ujeedka Shirka ayaa ah in reer Hiiraan ay ka tashadaan aayaha Gobolkaasi, kadib markii Ergadii matalaysay Hiiraan ay isaga baxeen Shirkii ka socday Magaalada Jowhar ee Dowladda Somaliya ay ka furtay Magaaladaasi.

Maxamed Aw-C/raxmaan oo ka mid ah Odayaasha Shirka ka qaybgalaya ayaa sheegay in dhamaan reer Hiiraan Shirkaan ay u dhan yihiin.

Shirkaan waxaa shir Guddoomin Doona Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, iyadoo ay ka qaybgalayaan Wasiirka Amniga, Wasiir ku xigeenka Beeraha Xukuumadda, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kale oo Gobolka ka soo jeeda.

Masuuliyiinta Dowladda ee Gobolka Hiiraan ka soo jeeda, waxaa isugu yeeray Odayaasha Dhaqanka reer Hiiraan oo dalbaday Shirkaan in la qabto si aayaha Gobolka looga tashto.

Odayaasha iyo Waxgaradka reer Hiiraan ayaa wax ka tirsanaya Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya oo saluugtay qaabka loo qaybiyay Ergada ka qaybgalaysa Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Lama oga waxa ay isku raaci doonaan Siyaasiyiinta reer Hiiraan iyo Odayaashooda ee maanta shirka uu kaga furmanaayo Magaalada Baledweyne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.