Kenya: “Waxaan Dilnay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Alshabaab oo aan dagaal isaga hornimid”.

kneya

Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay dishay Afar nin oo ka tirsan Ururka Shabaab, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanaayay Dhulka Keymaha ah ee Boni ee ku dhaw Xuduuda Somaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Difaaca Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay ciidamada inay iska hor imaad la galeen xubno ka tirsan Ururka Shabaab, kadib markii ciidamada ay heleen raadadka gaadiid horay Shabaab ay uga qabsadeen ciidanka Kenya.

Ciidamada oo raacay raadka gaari noociisa uu yahay Ford Ranger, ayaa la kulmay xubno ka tirsan Shabaabka, waxaana halkaasi ku dhexmaray iska hor imaad Kenya ay ku sheegtay inay ku dishay Afar nin oo Shabaab ah.

Waxa kale oo Dowladda Kenya ay sheegtay labo nin oo Shabaab ah oo dhaawac ah inay baxsadeen, halka ciidamada Kenya ay sheegteen inay gacanta ku soo dhigeen Qoryo Ak47 ah, Saddex Bistoolad iyo gaarigii Ford Ranger oo Bishii December sanadkii hore Shabaab ay qafaasheen.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay inay gacanta ku soo dhigeen aalada hagta gaadiidka ee loo yaqaan GPS oo ay siteen raggii Afarta ahaa ee ciidamada dalka Kenya ay dileen.

Warka ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay howlgalkaasi inuusan wax Khasaare ah ka soo gaarin ciidamada ammaanka dalka Kenya ee fuliyay howlgalkaasi.

Majirto ilo ka madaxbanaan Xukuumadda Kenya oo xaqiijinaya ama beeninaya warka ku aadan in la dilay Afar nin oo Shabaab ka tirsaneyd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.