Laamuu oo Barakac Ka Bilowday

Boqolaal qoys ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan Degaano ka tirsan Jazaiirada Laamuu ee Dalka Kenya kadib markii halkaasi ay Weeraro u joogteeyeen  Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Barakaca Qoysaskan ee ka socda Degaanada Keysari, Enyasa, Jima  iyo Boromooko oo wada hoostaga Jaziirada Laamuu ayaa ka dambeeyay kadib markii Xarakada Al Shabaab ay Weerar ku qaadeen Degaanka Keysari, halkaasina ay ku Dileen ugu yaraan 3 Ruux.

Dadkan barabaxa sameynaya ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Xoolo Dhaqato ku sugnaa Degaanadaasi oo iyaguna Xaalad amaan darted ay naftooda ugala carayaan Degaanadaasi ay Weeraradu u joogteeyeen Xarakada Al Shabaab.

Sikastaba, Shalay ayee aheyd markii Banaanbax ballaaran islamarkaana looga soo horjeeday Weeerada joogtada ah ee Xarakada Al Shabaab ay Boqolaal Ruux oo careysani ay ka dhigeen Degaanka Mpeketoni ee Jaziirada Laamuu ee Dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.