Kenya: Waxaan Dilnay Al- shabab

kenya

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhigga Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay Howlgal gaar ah ay qaadeen Ciidamada amaanka ee Dalkaasi in lagu Dilay ugu yaraan 4 Dagaal yahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Ciidamada Amaanka ee Dalka Kenya oo howlgalkan ka sameeyay Kenymaha Booni ayaa waxey ku qabteen 4 Qori nuuca daran dooriga u dhaca iyo Qaraxyo dhowr ah waxana sidoo kale howlgalkasi ay Ciidamadu ku soo furteen Gaari nuuca Booliska ay isticmaalaan oo horey u qabsadeen Xarakada Al Shabaab, sida lagu xusay Bayaankaasi.

Afhayeenka Wasaarada Gaashaandhigga ee Dalka Kenya, Korneel Daavid Obonyo ayaa sheegay in Weerarkaasi uu dhacay islamarkaana haatan ay ku raadjoogaan labo Ruux oo tirsan Al Shabaab oo uu ku tilmaamay in ay dhaawac ku baxsadeen.

Ugu dambeyn, Korneel Daavid Obonyo ayaa shaaca ka qaaday in ay kordhin doonaana howlgallada ka socda Gobolada Waqooyi Bari ee Dalka Kenya si buu yiri looga adkaado Xarakada Al Shabaab.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.