Dhageyso: Dadkii Ka Danbeyay Rabshadihii Qaar Ayaa la Hayaa.

bosas

Yuusuf Maxamed Waceys, Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in Saxaafada ay u soo bandhigi doonaan goordhow Shaqsiyaad qeyb ka ahaan Banaanbaxyo rabashado wata oo Shalay ka dhacay Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Isagoo sii hadlaya Guddoomiyaha Gobolka Bari waxuu xusay in Kooxo qaswadayaal ah ay soo abaabuleen rabshadihii ka dhacay Magaalada Boosaaso, waxuuna intaasi ku daray in ay jireen Dad horey tabasho kaga tarsanayay Maamulka Gobolka islamarkaana uu u gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Dhinaca kale, Yuusuf Maxamed Waceys, Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan ugu yaraan 6 Ruux oo soo abaabulay Rabshidihii Shalay ka dhacay magaalada.
Hadalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya Xili Shalay Banaanbaxyo rabshado watay ay ka dhaceen bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 2 Ruux, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen

Halkaan Ka dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.