TOP News: Kenya oo Maamulka Kismaayo ku wargalisay in ay isaga baxeyso Soomaaliya.

Wararkii ugu horeeyey ee aan ka helay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Subaxnimadio hore ee Saaka uu Madaxwayne Kuxigeenka Maamulka Jubbaland General Cabdulaahi Sh Ismaaciil Fartaag uu Shir deg deg ah la qaatay Xubno ka tirsan Maamulka Jubblanad,isagoo shirkaas kala hadalkay NMas’uuliyiinta Xaalado culus oo ku soo kordhay.

Xaalada Culus ee ku soo kordhay Maamulka Jubbaland ayaa aha in Ciidamada Kenya ee deegaanada Jubbaland ku sugan ay si cad oogu sheegeen in,qorshaha ka bixitaankoioda deegaanku uu yahay mid Dowlddeeda.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo Xog ogaal ah,Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa Fartaag u sheegay in ka soo bixitaan buulo-guduud ay xigi doonaan Magaalooyin kale oo deegaanka ka tirsan sidaas darteed ay u baahan yihiin in Maamulka Jubbaland ay ku wargaliyaan qorshah ka bixiyaan Magaalooyinka Jubbaland ka tirsan ee wali gacanta ku jira.

Sida Xogt aan ku helay Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaan sheegin Magaalooyinka ay ka baxayaan,hase yeeshee waxa jira warar hoose oo laga helay Maamulka Magaalada Dhoobley kuwaas oo sheegaya in Magaalooyinka Taabta iyo Qooqaani oo kamid ah Labada Magaalooyinka xili dheer gacanta Ciidamada Kenya ku jiray in ay ka baxayaan Ciidamada Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.