Degdeg: Axmed Madoobe oo Kismaayo ku laabtay sheegayna in uusan raali ka aheyn heshiiskii Muqdisho lagu gaaray.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Maanta dib ugu laabtay Kismaayo, Ayaa ka waramay go’ aan kii kasoo baxay Shirkii dhawaan Muqdisho lagu soo afmeeray.

Madoobe oo Warfidiyeenada kula hadlay garoonka Kismaayo, Ayaa soo dhaweyn kadib ka waramay go’aamadii dhawaan Muqdisho lagu gaaray, isagoo sheegay in warmurtiyeedkaasi uu ahaa mid gu qasbay in ay saxiiixaan.

Wuxuu sheegay in dhamaan madaxdii kulanka kasoo qeyb gashay Aysan laheyn wax go’aan ah iyadoo uu cadeeyey in go’aankaasi uu yahay mid ay beesha Caalamka Sheegtay in ay gaartay.

Wuxuu sheegay in ree Jubaland ay iyagu u madax banaan yihiin ka tashiga aayahooda,isagoo Nasiib Daro ku tilmaamay in Maanta wax looyeeriyo Madaxda Soomaalida uu isagu kamid yahay.

Sikastaba hadalka Axmed Madoobe Ayaa imaanaya xilli uu saxiixay warmurtiyeedkii dhawaan laga soo saaray Shirkii Muqdisho ka socday,maalmihii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.