Dowlada Soomaaliya Oo 50 Milyan Oo Dollar Loogu Abaal-Mariyay Jarista Xiriirka Iran.

Wararka laga helayo xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya inay deeq gaareysa 50 Milyan doolar malaayiin doolar ah ka heshay Boqortooyada Sacuudiga kadib go’aankii ay xiriirka ugu jartay dalka Iiraan iyo is barbartaagii ay Soomaaliya la saftay dalka Sacuudiga.

Deeqdan ayaa isugu jirta 20 Milyan Doolar oo lagu kabayo miisaaniyadda dowlada iyo 30 Milyan doolar oo ah horumarin, waxaa la bixiyay isla maalintii ay dowladda federaalka xiriirka u jartay dowladda Iiraan.

Sida ay Xogta Media hore u shaacisay waxay lacagtan abaalmarin u tahay doorka Soomaaliya ku taageertay Boqortooyada Sacuudiga.

Soomaaliya ayaa ka sokow inay xiriirka u jartay Iiraan, waxay ka mid tahay isbaheysiga Sacuudigu hogaamiyo ee dagaalka kula jira xuutiyiinta Yeman iyo madaxweynihii hore ee dalkaasi, waxay kaloo ka soo dhex muuqatay isbaheysiga dalalka islaamka ee argagixiso la dirirka oo dhowaan Sacuudigu ku dhawaaqay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsaneysa inay shaaciso deeqda lacageed ee Sacuudiga siineyso Soomaaliya, waxaana sida ay maanta qortay Wakaalada wararka ee Rueters ay aragtay dokumentiga deeqda Sacuudiga waxay dowladda Soomaaliya ku dooday inaysan wax xiriir ah ka dhaxeynin deeqdaasi iyo xiriirka ay goysa Iiraan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.