FIFA oo xilka ka qaaday xoghayihii xiriirka kubada cagta Jerome Valcke

FIfa ayaa ku dhawaaqday in xoghayihii xiriirka kubada cagta Jerome Valcke ay xilka ka qaadeen.
Horay Fifa ayaa sagaal bilood uga ganaaxday howlaha kubada cagta Sepp Blatter iyo Michel Platini.Valcke, ayaa shaqadan Xafiiska FIFA ka hayay tan iyo sanadkii 2007.
Isagana waxaa uu qeyb ka yahay dadka lagu heysto musuq maasuqa.

Booskiisa waxaa lagu badalayaa oo sii wadi doona Markus Kattner.

FIFA waxaa hareeyay musuq maasuq taasna waxaa laga dareemay sanadkan abaalmarinta laacibka Adduunka maxaa yeelay madaxdii Fifa ugu sareysay musuq maasuq darteed ayaa xilka looga qaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.