Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Ciidankooda ay joogayaan Soomaaliya

itobiya

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hayla Maryam Desalin ayaa sheegay in dalkiisa uu sii wadi doono taagerada ay siinayaaan Xukuumadda Soomaaliya oo la dagaalamaysa Xarakada Al-shabab una socotana sidii dalka dhamaantiisa uga ceeyrin lahayd.
Desalin ayaa hadalkaan ka dhawajiyay kadib kulan uu la qaatay Madaxa gudiga xiriirka arimaha dibada ee golaha sanadka Mareykanka Id Rowis.Wakaalada wararka Ethiopa ayaa soo xiganaysa hadalka Ra’iisul wasaraha oo tilmaamay marnaba in ay hakin doonin dagaalka Al-shabab.
Mas’uulka Mareykanka ayaa dhinaciisa ku amaanay Ethiopia taagerada ay siinayso xukuumada Somalia.

Ethiopia ayaa ciidamadeedi waxa ay kamid yihiin kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.