Daawo:Wasiirka gaashaandhigga Somaliya ayaa tababar u soo xiray saraakiisha hoggaannada saadka ee Ciidanka xoogga dalka.

ciidan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalla Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa tababar Aqoon kororsi ah xiray Saraakiil ka tirsan qeybaha Saadka ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Tababarka oo socday Seddex Maalin ayaa waxa uu ku saabsanaa Habka maamulka Saadka ee Ciidanka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in Saraakiisha tababarka Aqoon kororsiga qaatay looga baahan yahay in ay ku dhaqmaan waxyaabaha lagu baray Tababarka, isaggoo tilmaamay in Taliska CXDS uu kordhin doono tababarada kor loogu qaadayo aqoonta iyo Xirfadda Ciidanka.
Wasiirka difaaca Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa gabogabada waxa uu sheegay in dhawaan la howlgalin doono Warshadda tolmada dharka Ciidanka, si looga maarmo Tuutaha Ciidanka ee dalka dibadiisa laga keeno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.