Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaliya oo maanta u safar sahqo ku aaday dalka Jabuuti

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Jabuuti Jamhuuriyadda Walaalaha aanu nahay ee Jabuuti.
Ujeedada safarka wafdiga guddoomiyaha ayaa ah sidii ay uga qeybgali lahaayeen xuska maalintii Jabuuti ay gumeystihii Faransiisku ka xorowday ee 27 June.

Waxaa ku wehliya safarkiisa xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka,waxaan ku sii sagootiayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti,sida madaxweynaah iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.