Dhagesyo:Guddoomiyaha Aqalka Sare oo lagu xanibay afafka hore Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

cabdi

Ciidamada AMISOM ayaa maanta is hor istaag ku sameeyay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi, xilli uu doonayay in uu ka ambabaxo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ku dhawaad muddo 50 daqiiqo ah guddoomiye Cabdi Xaashi lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Waxaana uu tilmaamay in uu ku sii jeeday magaalada Nairobi ee caasimadda ee dalka Kenya, Sidoo kale Mowliid Xuseen Guhaad guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ayaa xusay in ay cambaareynayaan falkaasi ay ku dhaqaaqeen Ciidamada AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.