Alshabab oo Qasaara dhimasho iyo dhaawac loogu gaystay dagaal Xalay ka dhacay Baardheere

shabab

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa weerar xalay ay Alshabab kusoo qaadeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo gaar ahaan ag agaarka Buundada halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidmado ka tirsan Xoogga Dalka Soomaliya.

Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in qasaare dhimasho iyo dhaawac ay dagaalkaasi ugu geesteen Al-Shabaabkii soo weerary islamarkaana hub iyo dad nool laga qabsaday.

Gobolada Gedo ayaa waxaa kusugan Ciidamo katirsan Dowlada Soomaliyeed oo aadu tobabaran mana ahan Markii ugu horaysan oo Dagaal kaga Adkaadaan kooxda argagixisada Alshabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.