Dhageyso: Madaxweyne Gaas oo ka hadlay jeedka safarkiisa magaalada Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo uu berri kaga qeyb galayo shir ka furmaya halkani.
Madaxweynaha maamulka Puntland Dr .Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayey oo maanta 9-April-2016-ka kasoo amba baxay magaalada Garoowe ayaa waxaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro, Xidhibaano iyo saraakiil sare oo ka tirsan Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shirka berrito ka furmi doona magaalada Muqdisho u rajeeyey in uu noqdo mid guul iyo horumar u horseeda ummadda soomaaliyeed ee ay daashadeen abaaraha iyo colaaduhu.
Inta uusan ka soo ambabixin degmada Garoowe ee gobalka Nugaal ayuu warfidiyeenka kala hadlay ujeedka safarkiisa magaalada Muqdisho.
“Shir looga hadlayo doorashada baa Xamar berri kaga qeyb galayaa, sidaas buu ku saabsan yahay safarkayga maanta” ayuu yiri Madaxweyne Gaas

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.