Jahwareerka Ku Dhacay Shacbiga Soomaaliya iyo Duqaynta Taliye Shub Kadib

asluub

Waxay ahayd maalin sadexaad markii ay dhagaha Soomaalida soo gaartay in Taliye Shub lagu duqeeyey Magaalada Dooloow,waxay ahayd yaab iyo argagax ku dhacay qalbiyada dadka Soomaaliyeed, qof kasta oo ka mid ah kicisay dareenkiisa, laakiin waxaa ii muuqatay in falcelinta ka dhalatay lala habaabay oo ay sidii xaqa ahayd ka leexiyeen cadaw ka sii daran Xassan Shiikh iyo kooxdiisa, kacdoonkii loo baahnaa loo duway Masar iyo Turki oo ah saaxiibada noogu dhaw maanta dunida oo dhan, aan is weydiino su’aalahaan si aan xaqiiqda u raacno oo aan naloo majara habaabin/:-
1- Hubka DFS ay ka heshay yaa gacanta ku haya oo maamula?
2- Askarta iyo taliyayaasha gacanta ku haya ma Masaari iyo Turkiyiin baa?
3-Diyaaradaha DFS duqaynta u adeegsato ma xeryo Masar iyo Turki maamulaan bay yaalaan oo ka soo kacaan?
4-Duuliyayaasha iyo hagayaasha diyaaradaha ma Masaari iyo Turkiyiin baa?
Haddii aan intaas midna jirin ma waxaan Masar iyo Turki ku haysanaa maxaad noo caawiseen oo wax noo tarteen?.


Hubka ma waxaa naloosiiyey in aan dadkayaga ku layno mise in aan cadaw iskaga celino?.

Sow arintu uma eka arimo horay u dhacay ee ay ka mid ahaayeen :-.


1- yaan Soomaaliya laga qaadin cunaqabataynta hubka.
2-yaan Soomaali laga cafin deynta.
3-Sidoo kale arin aan soo xasuustay 1988dii banaanbax ay abaabuleen taageerayaashii Jabhadii Itoobiya saldhiga ku lahaa oo ku banaanbaxay Maxamwed Siyaad Barre dalka Maraykanka oo ku dhawaaqayey yaan Soomaaliya dhaqaale la siin.


Shalay waxaa aragtida dalka marinhabaabinayey cadawgii jabhadaha noo sameeyey ee reer Galbeedka maantana waa na ilduufinayaa waa cadawga ummadda Soomaaliyeed oo ah Imaaradka iyo kuwa u shaqeeya, wax badan baan ka digay in aan afar nin la kala sokaysan waa Xassan,Ciro,Deni iyo Axmed Madoobe cadawga dadka Soomaaliyeed ee maanta waa afarta nin iyo Imaaraad ee maaha Masar iyo Turki.


Wabilaahi Towfiiq
A.J.Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.