Hadalka Trump, Ficilida Itoobiya iyo Kenya iyo Dhaqanka Somalida Maxaa Ka dhalan Kara.

Trump


Waxaan wayadaan dhegaha adduunyada ku badnaa Madaxweynaha Maraykanka Trump oo marar badan ku celcelinaaya aflagaado khayaxan qaranka iyo shacbiga Soomaaliyeed, dad badan oo Soomaaliya baa ka falceliyey, kuwo aragti gaaban waxay dheheen waa qorshe uu doonaayo in uu Ilhaan Cumar uga saaro Mareeykanka,kuwo kale waxay ku sifeeyeen qorshe cusub oo uu doonaayo in uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed dunida ka dhaadhiciyo in ay yihiin wasaq dhulka korkiisa saaran oo qarmoon in laga dhaqana mudan yihiin, waa falsafadii Hidleer uu ku xalaaleystay xasuuqii Yahuuda, waa qaabkii Reer yurub ku xalaaleysteen dhulka Falastiin in yuhuud la deyo iyo muslimiintii Reer Bosniya ee ka tirsanaa dalweynihii Joslafaakiya sidii looga taqalusay.


Anigu waxaan ku fakar ahay qoraladaan danbe, waxaanse kaga duwanahay in dadka Soomaalidaa in laga taqalusaa ayan ahayn wax cusub ee qarniyo badan lays ku dayey lakiin ay suuroobi weyday oo markasta. Dadka Soomaaliyeed ayyagu is badbaadin jireen, waxaana ku sababaynayaa arimahaan:-
1- Dagaalkii Axmed Gurey.
2- Shan u qaybintii Soomaaliya 1884.
3-Halgankii 21ka sano ee Sayid Maxamed.
4-Jabhadii ama Ururadii gobanima doonka oo ka horyimid kala qaybintii Soomaaliya kuna guuleytay in qaybo ka miss xoreeyaan oo mideeyaan
5-Ugu dambayn waxaa naloo abaabuley jabhado qabiileysan oo burburiyey dawladayadii qarrada Afrika caanka ka ahayd adduunkuna laga xormeeyn jirey.
6- Ku darsada in dawladaha deriska ah loo adeegsanaayo shaqo dawlada kale ee waweyn qataan oo ah kala fogaynta shacbiga Soo maaliyeed:-
A-Keenya maxay ka wadaa Jubalaandhi?.
B-Itoobiya sow gacanta kuma hayso gedo,Koofur Galbeed iyo hirshabeele iyo waxa ka shisheeya.
7-Waxa loogu yeero kooxaha Argagixisada ah yaa maalgeliya.
8-qabyaaladu xaggee maanta Mareysa sow magacyadii waaweynaa ma dhaafin oo jufa jufa marimeyso ayyada oo qayb cusub oo aan Soomaalida dhaqan u lahayn laysu laynaayo sida xasuuq haweenka iyo caruurta (milicsada Hargeysa ilaa Baydhabo iyo Kismaanyo kuwii dhibaatada Damin lahaa baa shidaya).
Hadaba Soomaalidu waxay dhahaa lax kasta shilalka ay is dhigto baa lagu qalaa) .


Ugu danbayn aan soo gunaanadee dawlad iyo shacab,culumo iyo caamo indheergarad iyo aqoonyahayn aan u istaagno isir sifaynta nagu soo socota oo sirteeda Trump Qarixiyey oo maanta taagan halkii u denbaysana .
Qabyaaladu waa hubka naloo adeegsaday ee waa in aan helnaa tab iyo xeel aan kula dagaalamo,hana laga bilaabo tababar wacyigen oo la siiyo oday dhaqameedyada oo hadda ah waxa loo adeegsado xoojinta qabyaalada.
Wabilaahi towfiiq
Cabdullaahi Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.