Madaxweynaha Hirshabeelle oo Kawarbixiyey Ujeedada uu u yimid Beledweyne

guudlaawe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha e Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka iyo Masuuliin kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada Magaalada Beledweyne uu la qeybsanayo dhibaatada iyo xanuunka kasoo gaaray qaraxyadii argagixiso ee dhowaan ka dhacay Magaalada, isagoo u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo door muuqa ka qaadatay caawinta dadka ku waxyeelabay weeraradaas ay argagixisadu geysteen.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Magalaada Beledweyne waxa uu kulamo kala duwan oo looga hadlayo amniga la qaadan doonaa laamaha amniga Magaalada Beledweyne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.