Puntland oo mar kale u digtay federaalka iyo wax ka bedalka dastuurka

Xildhibaan ka tirsan maamulka Puntaland ayaa Baarlamaanka federaalka uga Digay inay wax ka bedalaan dastuurka KMG ah ee dalka hadda u degsan.

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka tirsan baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland oo wareysi gaar ah siiyay idaacad ku taalla Muqdisho ayaa sheegay inaan baarlamaanka federaalku xaq u lahayn iney wax ka bedelaan qodob dastuuri ah aqalka sare la’aantii.

Xildhibaanka oo aan ka wareysanay warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland oo looga soo horjeedo dib u eegista uu baarlamaanka federaalku uu ku sameynayo hanaanka doorasho ee 2016 ayaa hadalkisa ku bilaabay:

Xildhibaan Saadiq waxa uu xusay iney xilkiibaarlamaanka loo igmaday uu ahaa iney doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka qabtaan, tira koob sameeyaan, Axsaab siyaasadeed la furo, maamul baahin la sameeyo, intaas oo dhanna laga gaabiyay, waxa uu sheegay in dowaldda Federaalku la hortimaaddo dadka inaaney qaban Karin doorasho qof iyo cod ah iney taasi tahay dambi.

Ugu dambeyn, maamulka Puntland ayaa Jimcihii soo saartay war-saxaafadeed ay ku cambaareysay qorshaha dib u eegista baarlamaanka federaalka ee ku aaddan doorashda 2016, iyagoo sheegay iney ula jeedadu tahay marmarsiyo ku aaddan wakhti korosi ay doonayaan xubnaha baaralmaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.