Degmadda Waaciye oo laga dhagax-dhigay Dhismaha Saldhig Boolis iyo Xarunta Dawladda Hoose

Waaciya

Dhismaha labadaan Mashruuc ayaa ah kuwa hab isku-tashi ah lagu hirgelinayo, waxaana ka qaybqaadanaya Bulshada deegaanka, labadaan xarumood ayaa laga hirgelinayaa banaanka Magaaladda maadama ay Magaaladu soo dhex-gashay xarumihii hore.

Maamulka Degmadda Waaciye, Odayaasha deegaanka, Bahda Waxbarashada iyo Qaybaha kala duwan ee bulshadda ayaa ka qayb-galay Munaasabada Dhagax-dhigga.

Dhamaan dadkii madasha ka hadlay ayaa dawladda Puntland, Hay’adaha iyo Bulshada degmadda waaciye ka codsaday in laga caawiyo sidii loo dhamaystiri lahaa goobahaas cusub oo ah kuwa bixinaya adeeg bulsho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.