Laftagareen oo ku Wajahan Xudur kadib markii Shabaab Go’doomiyeen

laftagareen

Madaxweynaha dowlada goboleedka koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa la filiyaa inuu goor dhaw gaaro magaalada xudur ee gobolka bakool halkaasi oo ay ka taagan yihiin xaalad bini’aadanimo.

Wafdi hor dhac u ah ayaa shalay gaaray xudur waxaa ula jeedada ay utagaan ay tahay sidii wax loo qaban lahaa xaalada cakiran ee ka jirta xudur.

Maleeshiyaadka al-shabaab ayaa go’doomiyay dhammaan wadooyinka soo galo magaalada waxaana taasi ay sababtay inay gabaabsi noqdaan waxyaabaha qutul daruuriga u ah nolshada bulshada gaar ahaa Raashinta ,Shidaalka iyo adeegyada caafimaadka.

Sidoo kale waxaa sare ukacay qiimaha la kala siisto raashinka oo gaaray afar laab inta hore loo iibin jiray waxaana ka dhashay dhibaatooyina soo food saaray bulshada ku nool degmada xudur ee gobolka Bakool

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.