Daawo:Ciidamada oo suurtagaliyay Gadiid u rarnaa Ganacsato inay si nabad ah gaaraan Xudur

xudur

Gawaari nooca xamuulka ah oo u rarnaa ganacsato, isla markaana xayirnaa in muddo ah, ayaa gaaray Magaalada Xuddur ka dib howlgallo miino sifeyn ah oo ciidamada xoogga dalka ee gobolka Bakool ay ka sameeyeen waddada isku xirta Quracjoome iyo Xuddur.

Ciidamada xooga dalka guutada 9 aad qeybta 60 aad ee gobolka Bakool ayaa howlgal ay ku xaqiijinayaan ammaanka waddada ku saneeyey taas oo shacabka ku dhiiragelisey in si kalsooni ah waddada ku maraan.

Taliyaha Ururka 51 aad guutada 9 aad gobolka Bakool Deerow Macalin Cabdi ayaa sheegey u jeedada howgalkooda inuu ahaa badbaadinta nafta iyo hantida shacabka,wuxuuna intaasi ku daray in naftooda ay u hurayaan ilaalinta karaamada shacabka soomaaliyeed.

Labo maalin ka hor ayeey aheyd markii aa maleeshiyada Al-shabaab ay waddada geliyeen miino waxyeello gaarsiiyay dad shacab ah waxana arintaasi ay abuurtay  baqdin laga qabo isticmaala waddooyinka mara meelaha shabaabka ku dhuumaaleystaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.