Sawiro:Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa Kulamo la leh beelaha Daga Hobyo

ugaas

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax oo ah Ugaaska Beelaha Sade oo Shalay gaarey degmadda Hobyo ee gobalka Mudug ayaa bilaabay kulumo uu la qaadanayo beelaha daga magaalada Hobyo

Ugaaska Maxamed oo kulankiisii ugu horeeyay la qaatay Beesha Uur-midig oo kamid ah Beeaha degta magaalada Hobyo ayaa kala hadlay ka shaqeynta Nabadda iyo Hormarka iyo in ay wanaag isjacayl iyo nabad kula noolaadaan beelaha ay la dagaan degmada Hobyo.

Waxgaradkii beesha ayaa dhinacooda soo dhaweeyey qodobadii uu Ugaasku kala hadlay iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Ugaasku uu soo gaaro degmadda Hobyo

Ugaas Mohamed Kayse Ugaas ayaa lafilayaa in sidoo kale uu la kulmo beelaha kale ee daga degmadda Hobyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.