Wasiir Cawad oo hambalyo udiray Dowlada Kenya Guushii ay Ka Gaartay Jabuuti

wasiir cawad

Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ka hadashay Tartankii adkaa ee dhexmaray Dowladaha kenya iyo Jabuuti kuwaas oo ku tartamaayey Kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawod ayaa ka hadlay guushii dowladda Kenya ay ka gaartay Jabuuti.

Qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisaTwitter-ka ayuu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Dowlada Kenya waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in Kenya ay ka shaqeyn doonto danaha gobolka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf ka dhashay muranka Badda iyo Kan Xuduuda labada dal waxayna Kenya dalka Soomaaliya Gudahiisa ka gaystay Dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira Dil, Kufsi iyo Burbur hantiyadeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.