Sarkaal sare oo ka tirsanaa Puntland oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Boosaaso

bosaaso

Col. Cabdi Siciid Oo U Geeriyooday Dhaawacii

Korneyl Cabdi Siciid Cade oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Puntland ayaa shalay ku dhaawacmay israsaaseyntii ka dhacdey xerrada ciidamada Birmadka ee Boosaaso

Mid ka mid ah saraakiishii ku dhaawacantey israsaaseyntii dhexmartey ciidamada Puntland shaley ayaa ugeeriyoodey dhaawicii soo gaaray, sida ay eheladiisa u sheegeen warbaahinta .

Korneyl Cabdi Siciid Cade oo ka mid ahaa saraakiishii shalay ku dhaawacantey israsaaseyntii ka dhacdey xerrada ciidamada Birmadka Puntland ee Boosaaso ayaa ku geeriyoodey isbitaalka daryeel oo dhaawac kasoo gaarey kalyaha lagu dabiibayey.

Dhanka kale, wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab, taliye ku xigeenka ciidanka Birmadka Korneyl Cali Axmed Cali iyo sadex kamid ah ilaalada wasiirka amniga ayaa wali lagu dabiibayaa goobo caafmiaad oo ku kala yaala magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaan ilaa hada wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.