XOG: Xagee Marayaa Xafiiltanka Siyaasadeed ee ka dhaxeeya Itoobiyaanka iyo Kenyanka Kismaayo ku wada sugan.

Wali waxaa Magaalada Kismaayo ka taagan Xiisadii Siyaasadeed ee u dhaxeysay Dowladaha Kenya iyo itoobiya ee ay ciidamadooda wada joogaan Magaalada Kismaayo.

Xiisadani ayaa soo bilaabatay Bilowgii bishan xiligaas oo ciidamada Itoobiya ay go’aan ku gaareen in ay soo xareeyaan Ciidamadii Dowladda ee Kismaayo dagaalka looga saaray, kuwaas oo ay ku guuleysteen Soo Xareyntooda.

Wixii xiligaasi ka dambeeyeyne ciidamada Kenya ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ciidamadaasi hub ka dhgiis loogu sameyn lahaa iyagoo ka duulaya dalab uga yimid Axmed Madoobe  oo ahaa in ciidankaasi ay khatar isaga ku yihiin hubkane laga dhigo.

Balse itoobiya ayaa arinkaasi  u aragtay mid qar iska tuurnimo ah, iyadoo ku adkeystay in ciidankani yihiin ciidan dowladeed, lagama maarmaane ay tahay in ay hawlgalka jubooyinka ka qeybqaataan, taasi oo ugu dambeyntii hirgashay .

Maxaa xigay hadii uu fashilmay iskudayo ay kenya iyo axmed Madoobe doonayeen in ciidamada Dowladda ee Dagan Xerada Madhamaato hub ka dhigis lagu sameeyo?

Kenyanka iyo itoobiyaanka ayey xurguftooda cirka isku shareertay, waxayna lakala safteen Hogaamiye Madoobe iyo kuxigeenkiisa Janaraal fartaag, taas oo keentay in fartaag Addis Ababa lagu casuumo, halka Madoobe uu Kenya garab kahelay, waline ay ku hanweyihiin in ciidamdaasi hub ka dhigis lagu sameyn doono.

Itoobiya ayaa wacad ku martay in hadii kenya ay faragalinta ay ku wado qorshaheeda nabad ilaalineed ay Qaramada Mdioobay la tiigsan Doonto, iyadoo sheegtay in xadgudubka Kenyanka uu xargaha Goostay, waxayna ku tilmaameen kuwo ka baxay Mandate-kii ay Soomaaliya u yimaadeen, oo xitaa ay qarsan waayeen taageerada ay Beel goooni ah u fidinayaan.

kenyankuse dhinacooda ma sharyara, balse taxliiliyayaal badan oo siyaasadeed ayaa qaba, in xiisadan ka dhaxeysa labadani dowladood ay siyaasadda jubaland waji cusub u yeeli doonto, Xilli lawada ogyahay in itoobiya ay tahay Dowlada ugu dhereysa Dowladaha Shisheeye ee faragalinta xoogan ku leh Soomaaliya, iyadoo kenyanku ay ku koobanyihiin ilaa iyo Hadda Xuduuda ay lawadaagto soomaaliya, iyo deegaano ka tirsan Gedo iyo Juabda Hoose, taas oo wiiqeysa in ay jiri karto loolanka inuu sii adkaado.

Wixii kusoo kordha arimaha Kismaayo kala soco Gedo Times Insha allah.

1 Comment

  1. Waxaa muuqata wixii barre hiiraale uu ku diiday heshiiska axmed madoobe;uuna u arkayey in aysan waxba ka go,in axmed ee meel kale laga maamulo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.