Shir madaxeedkii wadamada iskaashiga Islamka oo looga hadlay Arrimo dhowr ah

Bayaankii kasoo baxay shir madaxeedkii wadamada iskaashiga Islamka ee lagu qabtay dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in dawlada Iran ay faragalin qalqal abuuris ah ku wado wadamada dunnida Muslimka oo ay taageerto kooxo argagaxiso ah.

Bayaankaan waxaa lagu sheegay in wadamada iskaashiga Islamka ay Iran ay ku eedeynayaan inay taageerto kooxo argagaxiso ah oo ka jira wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya Syria iyo Yemen kuwaasoo falal amaan darro ah geysta.

“Hogaamiyaasha shirkaan ka qeyb galay waxay isla garteen in la cambaareeyo falalka ay dawlada Iran ku faragalinayso dawladaha Islamka ee ay ku taageerayso kooxaha xag jirka ah ee amaan darrada sameeya ee ka jira Soomaaliya, Syria iyo Yemen” ayaa lagu yiri warkaan.

“Falalka aman darro abuurista ah ee dawlada Iran ka wado dalalka Syria iyo Yemen xataa waxaa uu gaaray Soomaaliya oo waxay taageeraan kooxaha argagixisada ah waana ku cambaaraynaynaa” ayaa sidaasoo kale lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay shirka iskaashiga Islamka ee Istanbul lagu qabtay.

Horey dawlada Iran waxay ugu soo baxday warbixin ay soo saareen guddiga dabagalka cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea taasoo lagu eedeeyay in Iran taageero dhanka hubka ah siisay isbahaysigii dib u xoreynta Soomaaliya ee lagu aas aasay dalka Eritrea.

Ergada dawlada Iran ee shirka ka qeyb galayay iyagu eeda dusha loo saaray dawladooda kama aysan hadlin.

Dawlada Islamka badankood sanadkaan si gaar ah ayay cadaadis usaarayeen dawlada Iran inta badan dawladahaan xiriirka ayayba u jareen xukuumada Tehran kadib markii uu xumaaday xiriirkii Iran iyo Sacuudiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.