Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ku qabtay gaari siday Bambooyin kaasoo la doonaayay in lagu dhibaato Shacabka kunool Magaalada Baydhabo sidda ay sheegeen Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.
Xasan Maxamed Xuseen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, ayaa sheegay wadayaasha gaariga & bambooyinka in gacanta lagu haayo, islamarkaana uu aad ugu mahadcelinaayo sarkaalka qabtay shaqadaasi, maadaama qaraxyadaasi la qorsheynaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa 19-ka Bishan isku diyaarinaysa qabsoomida doorasho ka dhacda Magaalada Baydhabo .
Audio Player
Leave a Reply