Dhagayso:Laamaha Amniga Oo Baydhabo ku qabtay Gaari sida Bombooyin

Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo ee Caasimadda  maamulka Koonfur Galbeed ku qabtay gaari siday Bambooyin  kaasoo la doonaayay in lagu dhibaato Shacabka kunool Magaalada Baydhabo sidda ay sheegeen Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed.

Xasan Maxamed Xuseen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, ayaa sheegay wadayaasha gaariga & bambooyinka in gacanta lagu haayo, islamarkaana uu aad ugu mahadcelinaayo sarkaalka qabtay shaqadaasi, maadaama qaraxyadaasi la qorsheynaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa 19-ka Bishan isku diyaarinaysa qabsoomida doorasho ka dhacda Magaalada Baydhabo .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.