Degdeg: Xasan Xanafi oo Goordhaw Dil Toogasho ah lagu fuliyay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow dil toogasho ah ku fulisay Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo horay loogu soo eedeeyay inuu ku lug lahaa dilalka Wariyeyaal.

Fulintan xukunkan dilka ayaa goor dhow ka dhacay Fagaaraha School Polizio, halkaasoo ay goob joog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsa Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa 3-dii bishii Maarso dil toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi.

Hase ahaatee waxaa uu ka qaatay Racfaan, iyadoo 26-kii bishii hore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ay mar kale ku xukuntay dil toogasho ah.

Labo maalmood ka hor ayay aheyd markii maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay dil toogasho ah ku fulisay labo ruux oo ku eedeysnaa dilkii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka shaqeyneysay Warbaahinta dowladda.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.