Video+Sawiro:Guddiga KheyraadKa Dabiiciga iyo Bay’adda ee Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Ku-simaha Wasiirka Batroolka iyo Macdanta

hilal

Guddiga Kheyraadka dabiiciga iyo Bay’ adda ee golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ahna Wasiir ku-xiggeenka Wasaaraddaasi Mudane Maxamuud C/qaadir Hilaal.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomoyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay ka dhageysteen Warbixin ku saabsan shaqada Wasaaradda iyo Qorsheyaasha u dagsan.
Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ahna Wasiir ku-xiggeenka Wasaaraddaasi Mudane Maxamuud C/qaadir Hilaal oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey Qodobada kasoo baxay Kulanka ay la yeesheen Guddiga Kheyraadka dabiiciga iyo Bay’ adda ee golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
“Maanta waxaa noo yeeray Guddiga Kheyraadka dabiiciga iyo Bay’ adda ee golaha Shacabka oo naga dhageystay Warbixin ku saabsan Wasaaradda shaqada ay wado, Meesha hadda ay wax marayaan, waxaan siinay Warbixin Waafi ah, warbixinadii aan siinnay waxaa kamid ahaa howlaha aan wadno, Batroolka iyo Shaqooyinkiisa, Waxyaabaha noo qorsheysan, Hindise Sharciyeedka Batroolka ee Horyaalla Golaha Shacabka oo maray Akhrinta Koowaad” ayuu Yiri Mudane Hilaal.

Xigasho Warbaahinta.

mursal

barlaman

barlaman
hilal

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.