Arrin Mucjiso ah oo lagu arkay Gobolka Baay

Arrin mucjiso ah ayaa haysata gabar ku nool Gobolka Baay ee deganada Koonfur Galbeed oo korkeeda uu dab ka kacaayo, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Gabadhan oo marwo ah ayaa isaga carartay Magaalada Baydhabo, waxayna hadda joogta Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, kadib markii saddex guri oo ay ka degtay Magaalada Baydhabo uu saameeyay dabka korkeeda ka kacaayo.

Mucjisada haysata gabadhaan ayaa ah mid xag alle ka timid oo dadka illaa hadda ay la yaaban yihiin, maadaama jirkeeda gabadhaan uu dab ka kacaayo oo haddii guri ay joogto uu saameynaayo dabka, gurigana uu gubanaayo.

Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, Ibraahin Roobow, ayaa sheegay arrintaan inay tahay mid mucjiso ah, haddana gabadha ay joogto Degmada Bardaale oo ay isaga soo carartay Magaalada Baydhabo.

“Marka Dabku ka kacayo Gabadha waxay tiri culeys ayaa isoo saarmaya, kadibna dhimbilo holac ah ayaa ka firdhaya, kaasi ayaa gubaya dhammaan meesha ay joogto, ha ahaado Guri ama Baabuur, Dabkaasi iyada wax ma gaarsiinayo ee waa kacayaa oo kaliya dhimbilo iyo Holac.” Ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale.

Arintaan oo mucjiso ah, ayaa Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale, wuxuu sheegay inay tahay mid ay aad ula yaaban yihiin, balse dadaalka hadda socda uu yahay kaliya mid gabadha qur’aan lagu saaraayo.

Waa dhacdo ku cusub deganada Soomaalida in la arko qof dab korkiisa uu ka kacaayo, uuna saameynaayo goobta ay ku sugan tahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.