Qabaa’illo Soomaaliyeed oo ku heshiiyay in qofkii ruux dila la dilo

dagaal
Kadib todobaadyo ay socdeen wada hadallo ayaa gobolka Sanaag waxaa lagu saxiixay heshiis nabadeed oo u dhaxeeya laba beelood oo ay horey colaadi uga dhaxeysay.

Heshiiskan waxaa looga gol-leeyahay sidii loo soo afjari lahaa dilalka aargoosiga ah ee u dhaxeeyay beelahan.

Labadan beelood ayaa ku heshiiyay in dil lagu xukumo qofkii lagu helo dambi ah in uu geystay dil aargoosi ah, ama wuxuu qoyska qofkaasi bixinayaa Boqol Kun oo Dollar oo ganaax ah, Colaadda labada beelood dhex taallay ayaa ahayd mid muddo dheer jiitamaysay.

Mas’uuliyiinta jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland gaar ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Maxamed Axmed Kaahin ayaa gar wadeen ka ah heshiiskan.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in la joojiyo dagaalada mararka qaar dhaca ee saameynta khasaaraha leh u geystay dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, sidoo kale wuxuu sheegay qofkii mar dambe lagu arko isaga oo dagaal abaabulaya in Ciidamada ammaanka ay soo qaban doonaan, kadibna la horgeyn doono Maxkamada Millitariga.

Maalmihiii dhawaa degaanka Dirir Weyne ee hoostaga degmada Ceel Afweyne ee gobolka Sanaag waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, kuwaasi oo saameeyay dadka degaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.