Hooyo iyo caruur ay dhashay oo ku geeriyooday dab ka kacay degmada Yaaqshiid ee G/Banaadir.

Inta la Xaqiiyay 7-Qof ayaa ku dhimatay ka gadaal markii xalay gelinkii dambe uu dab ka kacay Guri ay degganaayeen qoys ku noolaa Degmada Yaaqshiid  ee G/Banaadir.

Dadka dhintay waxaa ay isugu jiraan Hooyo iyo 6-Carruur ah oo ay dhashay,waxaana uu dhaawac soo gaaray aabaha dhalay Caruurta.

Dadka Degaanka ayaa Sheegay in xalay uu dabkaasi Kacay islamarkaana uu jiro khasaarahaasi waxaana ay sheegeen in in dadka ahaayeen hal qoys.

Maamulka Degmada Yaaqshiiq oo la xiriirnay ayaa weli ka hadlin Dabkan ka dhacay Degmada,islamarkaana ay ku dhinteen qoyskaasi ka kooban Todobadaasi Qofood oo ay ku jirto hooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.