Maamulka Hir-Shabelle oo la sheegay in uu ku fashilmay Sugida Amniga.

Xili Maal mihii dembe ay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada uu maamulo Maamulka Hirshabelle ay ka dhacayeen isku dhacyo u dhaxeeyo ciidamo kawada tirsan Dowlada iyo Dagaal beeleedyo iyo weeraro ay ka geystaan dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa amni daradaas ka taagan deegaanada Maamulka Hirshabelle uu ka arimo waxaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Hir-Shabelle iyo ku xigeynkiisa.

Sayid Cali Xasan Wasiiro dowlihii hore ee Wasaarada Beeraha iyo  Waraabka ee Maamulka Hirshabelle  ayaa sheegay in amni darada ka jirta deegaanada Hirshabelle ay dusha u ridanayaan Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxweyne ku xigeynka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen..

Sayid Cali ayaa tilmaamay in Golaha wasiirada ee Maamulka Hirshabelle in aysan u Madax banaaneyn gudashada shaqadooda isla markaana ay magacaaban yihiin oo ka liyah.

Wuxuu sidoo Kale Wasiiro dowlihii hore ee Wasaarada Beeraha iyo  Waraabka ee Maamulka Hirshabelle Sayid Cali Xasan uu sheegay in madaxda ugu sareyso Hirshabelle ay lunsadeyn lacago loo qorsheeyay in lagu sugo amniga, lacagahaas oo Barlamaanka Hirshabelle ay ka doodeyn in kastoo aan la ogeyn halka ay ku dambeysay arintaasi.

Dhankale Sayid Cali ayaa carabka ku dhuftay in Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabelle Cusmaan Bare Maxamed uu ka hor qirtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre in aysan ku filneyn Hirshabelle sugida amnigeyda Dowlada dhaxena ka dalbaday in ay ka caawiso amniga iyo arimo kale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.