Sir Ka Fashilantey Maamulka Jubaland Ka Dib Xarigii Wariye Saabir Cabdul-qaadir Warsame.

saabir

Wariye Saabir Cabdul-qaadir Warsame Oo Ka Mid Ah Wariyaasha Madaxa Banaan Ee Ka Howl-galo Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Ku-meel-gaar Ka Ah Ee Maamulka Jubaland Ayaa Maalintii Labaad Ku Xiran Xabsiga Fi’aad Ee Ciidanka Nabad-Sugidda Jubaland Ay Ku Leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Wariye Saabir Ayaa 08/02/2018 ka Oo Ku Beegneyd Maalintii Shaley Ahayd Waxaa Xabsiga Dhigey Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Ciidanka Nabad-Sugidda Jubaland Oo Lagu Magacaabo Nuur Cumar Kadib Markii Uu Muran Soo Kala Dhex-galey Wariyaha Iyo Sargaalkan.

Xiligaas Oo Wariye Saabir Uu Ku Guda Jirey Howl-maalmeedkiisii Caadiga Ahaa Islamarkaasina Uu Wakhtigaasi Ku Guda Jirey Duubista War-bixin Uu Kaga Hadlaayey Muhiimadda Ay Leedahay 8-da Feebaraayo Oo Ahayd Maalintii La Doortey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo ) Taas Oo Keentey In Uu Sargaalkaan Wariyaha Ku Amro In Uusan Wax Duubin Isagoo Xiligaasi Ku An-dacoonaayey In Uusan Garaneynin Qofka Uu Yahay Iyo Halka Uu U Duubaayo Fiidiyowga
Hayeeshee Wariye Saabir Cabdul-qaadir Ayaa Ka Dhaga Adeygey Amarka . y Sargaalkan Isagoona Halkiisii Kasii Watey Shaqadii Uu Ku Guda Jirey Taas Oo Ugu Dambeyn Sababtey In Wariye Saabir Loo Taxaabo Xabsiga Nabad-Sugidda Jubaland .

Soo If-baxa Xarigga Wariyaha Ka Dib Ayaa Waxaa Dadaalo La Doonaayey In Lagu Siidaayo Wariyaha Sameeyey Qaar Ka Mid Ah Ehelada Wariye Saabir Iyo Sidoo Kale Ururka Saxafiyiinta Jubaland Waxaana Dadaaladaasi Ka Mid Ahaa In Ay Kulan La Qaateen Sargaalkii Xabsiga Dhigey Wariye Saabir Oo Ay Kala Hadleen Sidii Loo Siideyn Lahaa Wariyaha Iyo Sidoo Kale Sababaha Loo Xirey Wariye Saabir Waxaana Uu Sargaalkani Sheegey Sababta Uu U Xirey Wariyaha Isagoo Ku Micneeyey Labo Arimood Tan-koowaad Ayuu Ku Sheegey In Uu Garan Waayey Qofka Uu Yahay Wariyaha Uuna Ku Madax Adeygey Markii Uu Yiri Jooji Shaqada Aad Hayso Iyo Tan Labaad Oo Ah Sirta Fashilantey Oo Ahayd In Uu Sargaalkaan Diidanaa In La Arko Kolonyo Gaadiidka Waaweyn Ah Oo Sidey Dhuxul Laga Dhoofin Lahaa Dekedda Magaalada Kismaayo
Dhuxushaasi Oo Uu Horey Maamulka Jubaland Beesha Caalam U Sheegey In Aan Laga Dhoofin Magaalada Kismaayo Balse Markasta Ka Dhoofi Jirtey Dekedda Kismaayo Horeyna Looga Digey Wariyeyaasha In Aysan Duubin Si Aan Loo Arkin Dhuxusha

Sirta Fashilantey Ayaa Ah In Maamulka Jubaland Uu Xiligaan Xaqiijiyey In Dhuxul Laga Dhoofiyo Magaalada Kismaayo Maadaama Xarigga Wariyaha Ay Qeyb-ka Ahayd In La Diidanaa Aragtida Dhuxushaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.